12.05.05 12.05.05   12.05.05 12.05.05

<<Maanta

Dugsiga Iqra

 
 

RochesterSomali TV
Radio Garowe
Radio Shabelle
(Live)
SBS Radio Aus
Radio Ileys
Radio Sahan
Radio Warsan
Radio SCERDO
Radio & TV Djibouti
Qaran Radio
Radio Dalmar
Radio Golis (RG)
Sagal S. Radio
Somali Radio (USA)
Focus On
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 










 
 
Sidee u dhacay kulankii  Jaamacad Nugaal University iyo Jaamacada 
Bariga Afrika
 
Jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso oo ka mid ah Jaamacadaha ugu horeeya
Soomaaliaya tan iyo intii ka danbaysey  1991dii ee burburkii dawladii
Soomaaliyeed.
 
Maraan ka qayb qaatay kulan ka dhacay magaalada Boosaaso xarunta jaamacada
ayaan  kula kulmay masuulka Jaamacadaas Dr,C/qaadir Maxamed Cabdala isagoo
warbixin dheer naga siiyey jaamacad iyo sida ay u shaqayso.
 
Qiyaasta dhulku waxa uu ku fadhiyaa 850 mitir oo wareeg ah, waxaa ku
wareegsan silig marka laga reebo irida laga soo galo oo aargo qurux badan
lagu habeeyey taasi oo indhaha soo jiidanaysa.
 
Gudaha Jaamacada ayaan ku aragnay dhismayaal qurxoon oo aad u habaysan
kuwaasi oo u qaybsan hurdo iyo goobaha waxbarashada kuwaasi oo qaarkood
dhismayaal ka socdeen ah balaadhinta Jaamacada qaybo cusub lagu
kordhinaayo.
 
Kambaska Jaamacadda oo ah dhisme aad u weeyn isla markaana badhatamaha
looga sameeyey deeyr geedo tiro badan ahna kuwa Soomaaliya caanka ku tahay
iyo kuwo kale oo aduunka laga soo ururshey ayaa run ahaantii aad u
bilciyey quruxda jaamacadda.
 
Madaxa Jaamacadda East Africa ee boosaaso ayaa noo sheegay in aasaaskii
jaamacadda lagu furay 99 Arday oo u kala qaybsanaa 3 kuliyadood oo kala
ahaa Luqadaha, Carabiga, Engiriisida, Shareecada, iyo Kulliyadda Maamulka
iyo Maareeynta.
 
Sidoo kale sanadkii 2000 waxaa lagu soo kordhiyey kulliyadda waxbarashada
iyo kulliyadda Computer Since, ama culuumta computerka kuwaas oo ardayda
hadda dhiganaysey ay ku jiraan sanadkii 2aad ama Teeramkii afraad.
 
Tirada ardayda haatan dhigata jamaacadda boosaaso ayaa qiyaastii 500 shan
boqol oo arday ah, halka macalimiinmta wax ka dhigaana ay dhan yihiin 25
Macalin oo isugu jira Ph/ Master iyo Bachelar.
 
Jaamacadda East Africa waxay leedahay labo qaybood oo ah Lab Computer ah
oo midkiiba ugu yaraan _______ 30 Computer dhex taalo
 
Waxaa  kale oo in dhahaagu soo  jiidanayaan  marka aad hore usii dhex
mushaaxdo  dhismaha jaamacadda  library    aad u wayn   oo sida ay u
sheegeen   mas uuliyiinta jaamacaddu   ilaa  12,000  oo bug   ay 
rasaysnaayeen   hoolka  buugaagta .
Lababreerigu  waa hool  aad u wayn   o   ay isdabayaallaan  rasooyin   ay
dul raseysan yihiin   buuugaagta jaamacadda   iyadoo qayb qayb loo 
habeeyay   qayb ahaan   hoolka  labareerigu   waxaa  yaalley  ku raas iyo 
  miisas    iska soo  horjeeda oo ay arday    iyagu daalacanaayay   
buugaagta halkaasi rasaysnaa maadaam aay ku jiraan wakhtigii
imtixaanaadka.
 
Booqashadiii gaabnayd ee    ku tagnay   jaamacada   East  Africa  
halkaasi oo xiligaa   Booqasho   shaqo   ku marayay   u qayb  sanaha  
Xidhiidhka  jaaliyadaha   iyo  Gudaha   ee  jaamacada   nugaal  university
 MD axmed  max,ed  cali  qodax ( raadsato)  ayaa  kulan la   yeesha    mas
uulyiinta  jaamacada  boosaaso  waxay ka wada hadleen   sidii  labad
jaamacadood    waa nugaal university      oo xarunteedu tahay  laascnood  
iyo jaamacada     East  Africa      oo boosaaso ku  taal ay isga  kaashan 
lahaayen  Dhanka   aqoonta iyo waaya aragnimadaba.
 
 Mas uuliinta jaamacad  East  Africa  waxay soo dhoweeyeen   is kaashi iyo
xidhiidh    wax barasho oo dhex mara labada jaamacdood  ugu dambayntii   
  waxaa jaamacad nugaal university   DR   c/  qaadir max,ed     c/lle  
ayaa goobtaas ku gudoonsiiiyay  md  axmed max,ed cali qodax  ( raadsato) 
 tiro buugaag     wax barasho .
 
Kulanka   mas uulyiinta labada  jaamacadood  nugaal university    iyo
jaamacada  East Africa   ayaa mid ku dhacay  jawi   aadu qurux badan  oo
is af garad  iyo saaxiibtinimo   ku qotomay.
 
Waxaa  dhowaan lafilayaa   sida uu ii sheegay  md  axmed maxed cali qodax 
raadsato  u qaybsanah xidhiidhka    jaaliyada     jaamacad nugaal
university  in uu dhici   doono   kulab  Balaadhan   oo ka dhicidoona 
Xarunta jaamacada    Nugaal  University   3/6/ 2005  maalinta  jimcaha 
saacadu marka ay tahay   4.00  galabnimo   kaasi   oo lagaga  arinsan
doono   aayaha  jaamacada   Nugaal University    iyo horumarteedaba  
halkaasi oo lafilaayo     in ay    soo xaadiraan   GUdaiyada   kala
gedisan ee  Jaamacad.
 
 
Waxaanu ilaahay   uga    rajaynaynaa  in jaamacad  Nugaal  University  ay
noqoto   tan majarah u qabata   horumarka  mandaqada    S.S.C   iyo guud
ahaan somaaliyaba .
 
Kaadirka  kasoo  qalin jabiyaana  ay noqdaan   kuwa iyagu wax kabadela    
 Sawirka   iyo muuqaalka     Guud ahaan  deegaankeena .
 
Shacabka ku  dhaqan   Gobolada    S .S. c   waxaa lagud  boon   guntiga
dhiisha isaga  dhigaan  Sidii  jaamacada   sidii  jaamacad  ay  hoygooda  
ay uga fureen u heelanayaasha   horumarka  Deegaankeena   sidii  ay   ay
jaamacadu u noqon  lahayd   mdi  taaba  qaada   isla  markaana  la tar
tanta  Jaaamacadaha  kale   ee Soomaaliya ku yaala.
 
 
   Horaa  looyidhi   Raqba  waa ku rageeda  Maskax caafimaad  Qabta   ayaa
soo  Hindistay     in  ay hooygaaga  jaamacad lagaaga  furo     Sida 
aw  geed    waxaa  loo baahan yahay  Maskaxdii    Caafimaadka Qabtay   
ee hanan  ;  lahayd    wanaaga iyo wax tarka   kusoo  kordhay    
Dalkooda  Hooyo……………………..
 
waqtiyadii kala duwanaa ee jaamacada Boosaaso halkani kala soco
 
Waxaa xusid mudan in dadka u dhashay Puntlan ay qayb laxaadleh ka 
qaateen kor u qaadka Jaamacada Boosaaso oo haatan maraysa heer lagu
faani karo bal dib u dhugo sanadihii loo macaawino raadinaayey siiba
Mareykanka iyo dalka Kanada

Axmed Cali Faarax

Radio Laascaanood

   Boosaaso