|
RIYADU
MA RUNBAA?
Xiliftan
Siyaasadeed.
Waa
sheeko mala-awaal ah
Qaybta Koowaad
W.Q.
Maxamed Saciid Cumar “Kashawiito”
1-radiomidnimo@hotmail.com 2-
radiomidnimo@yahoo.com

Wakhtigu waa habeen gelinkiisa danbe,
cirku daruuro ma leh oo waa qaawan yahay, Dayax ma jiro
magaalada badankeeduna waa mugdi. Kaaha xiddigaha ayaa
waxoogaa nuur ah sameynaya, sanqarna la maqli mayo dad iyo
duuyana waa la hurdaaa.
Malaha goortaan seexanayey waxaa
madaxayga ka sii guuxayey su’aalo ay i weydiinayeen, qaar ka
tirsan saaxiibaday, waxaa intaas ii dheeraa naqshadii aan
magaalada Muqdisho ku qaban lahaa, waxaan indhaha isa sii
geliyey anigoo faraxsan, oo ku guuxaya “Wax walbaa waa isu kaa
saaran yihiin, hub…., saad…, ciidamo daacad xaf dhaaf waa ka
soo helay, Gobolka Hiiraan nin raga Guddoomiye gobol waa uga
dhigay, Maxamed Dheere waa gacantaada midigtaada, Barre
Hiiraale iyo Jubbada Hoose waan isku hubaa, Col. Shaatiguguud
gobolada Bay iyo Bakool kuugu filan…”
Farxada aan ku seexday waxaa barbar
socotay ciil iyo caro laabteyda buuxisay. Anigoo xaalkaygu
sidaas yahay hurdo macaanina ii baxayso, waxaa riyo iigu
muuqday ciidamadii Qaranka oo dowladdu xarumo uga sameysay
magaalooyinka Beledweyne, Jowhar, Marka iyo meelo kale.
“Waa
ciidamo tababarkoodii dhameystay, xiran direyskii Milateriga,
hubkoodii u dhan yahay, waxaan ku qiyaasay in ay xoreyn karaan
ilaa wadanka Ivery Coast oo ah Galbeedka Afrika. Waa ciidan ku
dhaarsan in ay wadanka isu keenaan, waa ciidan derbi walba
jebinaya, waa ciidan kalsooniyi ka muuqato” sidaas waxaa ii
sheegay Taliyaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kooxdii ugu
danbeysay ka soo saaray tababrkii ay ku qaadanayeen xeryaha
tababarada.
“ Ciidamadu waxay hortayda ku bixyeen
salaam, gaardis gaada ka cayaar ahna way sameeyeen, guuxa iyo
reenka ka baxayey ciidanka ayaa gilgilay laabteyda, waxaan
dareemay qiiro wadaniyadeed. Waxaa la gaaray xiligii
Soomaaliya ay qaranimadeeda hanan laheyd, waa wakhtigii la soo
qaqaban lahaa kuwa diidan Soomaalinimada, waa xiligii
ciidankani gudan lahaa waajibaadka hor yaal” erayadaasi waxay
ka mid ahaayeen khudbad dheer oo aan u jeediyey ciidanka
Qaranka Soomaaliyeed.
Waxay gogoshu ii taal Madaxtooyo ku
meel-gaar ah oo laga hirgeliyey magaalada Jawhar ee Gobolka
Shabeelada Dhexe, cabsina kama qabo Qanyare, Muuse Suudi
Yalaxow iyo kuwa la mid ah ee ku sugan magaalada Muqdisho oo
90 Km oo keliya ii jirta.
Qorshaha iiguma jirto in aan weeraro
magaalada Muqdisho iyo kooxaha ku dhuumaaleysanaya sanadka
2005-ta, haseyeeshee, horaanta 2006-da macquul ma aha in
Muqdisho noqon weydo caasimada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxtooyadii
Villa Soomaaliya iyo Radio Muqdisho waxaa gacanta ku haya
Xuseen Caydiid “ Adeer waa kugu wareejinayaa” ayuu igu yiri
isagoo weliba faraxsan.
Haddii aan dib ugu noqdo xusuustii
riyadeyda, markii aan tegay magaalada Jawhar waxaa si weyn ii
raali gelisay soo dhoweyntii la ii sameeyey ee ay hormuudka ka
ahaayeen Raysal Wasaare Geedi iyo Maxamed Dheere.
Erayo Shirib ah oo ay ku luuqeynayeen
Kooxda Barbaarta Gaashaaman ayaa niyadeyda si weyn u soo
jiitay, ilaalada Qaranka oo feejignaani ka muuqatana
hareerahayga ayay marayeen, dadka intii aan salaan la gaaray
waa gacan geliyey, baaqigiina labada gacmood ayaan u taagay,
waxay ii aheyd maalin farxadeed, farxada caynka oo kale ah
xataa ma farxin wakhtigii aan Madaxweynaha Puntland ka ahaa.
Mudadii aan dhex maquuranayey riyada
Dowladnimo waxaa iigu yaab badnaa anigoo fadhiya xafiiska
Madaxweynaha loogu tala galay oo aan ku qaabilay ergayga QM ka
socday ayaa la igu yiri, “Md. Madaxweyne waxaa ku sugaya nin
waayeel ah oo u ooman in uu kula kulmo, wuxuuna magaciisa ku
sheegay Maxamed” waxaan ugu jawaabay “Soo daaya mala talo ayuu
inoo wadaaye”
Albaabka ayuu ka soo galay wuxuu xiran
yahay Laba Go’ oo cad cad, ulna wuu ku tukubayaa, waxaan u
qaatay dadka deegaanka, hase yeeshee wuxuu ku fariistay
kursigii loogu tala galay dadka qaabilaada, maradii madaxa ugu
duubneyd ayuu iska qaaday, wejigiisuna iguma cusba, laakiin
nin daal badan soo maray ayuu u ekaa.
“Adeer ma I garaneysaa” ayuu igu yiri,
goortuu hadlay ayaan gartay in uu yahay Madaxweynihii Kacaanka
Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waa naxay, qalin aan
gacanta ku haystanna waa iga dhacay, haseyeeshee, waan is
adkeeyey, ma aan aqoon sida dadka Aakhiro loola hadlo, anigoo
argagaxsan ayaan iri “Jeneraale, Madaxweyne goorma ayaad noo
timid” hadaladaas ayaan is daba dhigay “
Waryaa C/laahi, sow ma tihid ninkii Kulmis abuuray” ayuu igu
yiri isagoo indhaha galka ka soo bixinaya.
“45 sano ayey kugu qaadatay in aad
Madaxweyne Soomaaliyeed noqoto, maanta oo ay ka danbeysay 15
sano markaan kursigaan ka tegay weli Jawhar iyo Sh/Dhexe ayaad
joogtaa oo Muqdisho iyo halkaan wax ka xukumi jiray weli ma
gaarin, sow sidaas ma aha” ayuu si caro eh iigu yiri,
kolkaasaan ugu jawaabay:“ Jaalle Siyaad waa caynkaas”
“C/laahi I dhegeyso, si fiican dhegaha
iigu fur” ayuu yiri intuu Labada gacmood si fiican kursigii uu
ku fadhiyey ugu xejiyey. “Macalinkii Kacaankow waan ku
maqlayaa” ayaan ugu jawaabay.
“ Ogow Soomaalidu ma jecla Xabashida, way
adag tahay kuwaan lafahayga kala cararay in aad xukunto,
waxaadse xukumeysaa marka aad Villa Soomaaliya gaarto, talada
dadka wax uga ogolw, maxaa wacay iminka Laba kooxood ayaad
tihiin, xoog waxba ma keeno, xeel adeegso, shisheeyaha iyo
gaaladu wanaaga Soomaalida ma jecla, Rabbi ayaa garanaya tan
guuleysaneysa kooxdaada iyo kuwa kaa soo horjeeda”
intaas markuu uu yiri Jaalle Siyaad ayuu
kacay oo ushiisii gacanta ku qabsaday, wuxuu u talaabsaday
dhinaca albaabka, haseyeeshee, inta uusan albaabkii furin ayuu
dhinacayga u soo jeensaday oo yiri:
“Milateri lagama maarmo, mana haboona in
dadka loo adeegsado, maxaa wacay Gen. Caydiid wuxuu raacay
wadii aan mari jiray, adigana waa iiga kaa muuqataa, aashaa,
dowladnimada waxaa cudur u ah cadaalad darro iyo soo dhoweysi
qaraabo oo lagu xukumo.”
Radiolaascaanood1.com
|