|
Maleeyasiyad SNM ee Dirta
Waqooyi oo Weerar ku Qaaday Deegaamo Ka Mid ah Puntland
Xudun
25 Sep 2005 Buslahada ku
dhaqan deegaamada Xudun, Fiqifuliye iyo Awrboogays ayaa
subtida u Qabtay weerar ay Ku Soo Qaadeen Maleeysiyada dirta
Waqooyi ee Riyaale Xukumo.
Wararka Soo gaadhaya
Radio Laascaanood ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe ay
weerar ay qaadeen Malaysiyada Riyaale ee Muusa ismaaciil iyo
Habar jeclo u yihiin Gadhwadeenka.
Weerarkaan oo
bilowgii ka dhacay magaalada ardaa ayay kala kulmeen
maleeysiyada Dirta waqooyi dagaal aanay filayn kadib markii
ciidamada puntland ee ku sugan ardaa ay fooda is darsadeen
kuna khasbeen ciidankii cadowga in ay dib ugu noqdaan meeshii
ay ka yimaadeen.
Saacado kadib
ay malaysiyada dirta waqooyi ee soomaalidiidku waxay Qarda
jeexeen dhinac soolka Loo yaqaan Sool Geriyo iyagoo ka gudbay
Togga dhaabeedo isla markaana waxay isku dayeen in ay u
gudbaan dhinaca Fiqifuliye.
isla markaa waxaa
Fiqifuliye agagaarkiisa ku sugnaa Ciidamada Difaaca ee
Puntland una dhashay deegaankaas islamarkaana ku jiray heegaan
aad u xoogan kuna khasbay inay dib u gurtaan ciidankii
cadowga ee Dirta Waqooyi kadib markii raasaas cul culus ooda
laysaga qaaday.
Mar Radio Laascaanood
Xidhiidh la sameeyey degamada fiqifuliye ayay noo xaqiijiyeen
in Maleeysiyada snm uu halkaas kaga dhintay hal askri
islama markaana aanay jirin khasaare ah oo soo gaadhay
dhinaca kale.
Sidoo kale magaalada
awrboogays ayaa saaka shiid iyo orod lagaga saaray C/raxmaan
Maxamed Talyanle oo isagu kursi doon ka ahaa maamulka dirta
waqooyi islamarkaana waxaa isla goobtaas lagaga bur buriyey
gaadhiguu watay wararka ayaa sheegaaya inuu u baxsaday dhinaca
Kulaal oo galbeedka ka xigta awrboogays.
Degamada Xudun ayaa
sidoo kale ay isku dayeen qolyaha u ololaynaaya sanaadiiqda
aan xalaasha ahayn ee laga diidan yahay deegamada
puntland in ay uga sameeyaan xayaysiis qaar iyagu dhuun raacyo
ah balse waxaa jeelka dugamada xudun la dhigay gebi ahaanba
ragaas kadib markay magaalada ka dhaliyeen buuq keenay gacan
ka hadal laguna dhaawacay qaar ka mid ah kuwii rabshada
dhaliyey.
Maxamed Cali Cilmi oo
bare ka ah dugsiyada magaalada xudun ayaa noo sheegay maraanu
khadka telfoonka kula xidhiidhnay in ay hadda degan tahay
magaaladu isla markaana ay gacanta ku hayaan magaalada
odayaasha iyo waxgaradku bal ay aad uga cadhaysan yihiin
dadweynuhu wax uu ugu yeedhay doorasha kusheegta dabka lagaga
shidaayo dhul aan belaayo ka jirin.
RadioLaascaanood1.com
|