BAYDHABA CAKIRAN--DANANKA DURBAANADA
COLAADEED
Sida muuqata
xaalado cakiran iyo jaha wareer weyn ayaa
ka taagan xarunta
Gobolka Bay magaalada Baydhaba oo ah fadhiga
Dowlada ku meel
gaar ah(Fadhiidka ah) ee uu hogaamiyao Mudane
Madaxweyne-C/Laahi
Yuusuf Axmed oo ku jira xuska Sanad guuradi
2-aad ee caleemo
saarkiisa, laakiin macaanki iyo damaashaadkii
Munaasabadaas ka
noqdeen wel wel iyo xaalad walaaceeda leh,
iyo xiisado
colaadeed, dagaalo iyo jaha wareer siyaasadeed
oo
si weyn u hareeyeey
Dowladaas Maqaar saarka ah.
Xaaladaha
Jubooyinka ama xiisadaha Jubooyinka, khilaafyada
Dowlada Dhexdeeda,
fara-gelinta Dowlada Itoobiya iyo Zanaawi,
Riwaayada been
benta ee Ciidamada Shisheeye, Fidida awooda iyo
Taageerada
Maxaakiimta islaamiga ah, luminta Taageeradda
iyo
Kalsoonida Ummadda
Somaaliyeed iyo xeelad yarida iyo hogaanka
Liita ee C/Laahi
Yuusuf ayaa ah dhibaatooyin maalmahan sida weyn
looga dareemaayeey Magaalada Baydhaba, xaalad
qas, wareer
iyo baqdin weyna
geliyeey Dadkii degaamadaas ku noolaa.
Xaqiiqada ayaa
ah in Dowladda Fadhiidka ah ee Baydahba ku
joogteey
marti-nimada eey u muuqato mid xaalad
burbur,muran
iyo kala dhaqaadid
ku jira, jiritaankeediina soo yaranaayo,
inkastoo amarka
Alle meeshiisa yahay, runtii waa looma ooyaan
iyo lagama naxaan
dhicideeda iyo jiritaankeeduba oo isku mid
ahaa, weliba anigu
shakhsiyan ayaan oran karaayo waxaa dhib
iyo dhaawac weyn
jiritaankeeda iyo magacan Ummadeed oo eey Wadato--Been
beenta ah laguna Shaabadeeyeey Somaalinimadda,
Mushakilada ayaa
colaada iyo dagaalan loo durbaan tumaayo oo
ah dhiig daadiin,
barakicin, khasaare hor leh, faa,iido laheyn
kuna saleeysan
rabitaanka, Qorshaha iyo jaangooyada ITOOBIYA
iyo Hogaankeda
kelui-taliya ah Zanaawi iyo khaayin-nimada kuwa
isku magacaabo
madaxda Sarre ee Dowladda
Ito/Soma,baydhaba
Walaac badan iyo
jawi colaadeed.
Maslaxada,
danaha guud ee Ummadda Somaaliyeed waa hanaan
Nabadeed oo ku
saleeysan wada hadal, aragtida, rabitaanka iyo
Caqliyada
Somaaliyeed oo hanaan Daacadnimo leh, xaqiiqo
iyo
run sheegid leh, u
adeegida danaha guud, xal dhab ah oo ku
Saleeysan
Somaalinimo, waxaana aniga ila haboon in
Hanaanka
Maxaakiimta
Islaamiga oo iskaashi, wada shaqeyn la yeesha
Bulshada rayidka
ah, kacdoonka Ummadeed iyo Aqoonyahanka ama
Qeybaha kalle ee
Bulshada iyo tawakalka Allah Guusha lagu
Gaaraayo, eeyna
tahay in Taageerada, Dadaalka, iyo wax qabadka
lagu jiheeyo
dhankooda, lana siiyo talooyin iyo tusaaleynba
lagu dadaalo sixida
wixii dhaliilo ah oo jiri karo, eeyna ugu
Horeeyso Habeeynta
ama Sameeynta Maamulka Gobolka Banaadir oo
ah mid ahamiyadiisa
leh si weyna loogu baahan yahay waqtigan.
Somaaliyeey-Dowladda Somaaliyeed meesha ma
joogto, Dalkuna
Colaado iyo Dagaalo
Sakeeyo una baahna, Fara-gelinta Itoobiya
iyo Xadgudubka
Ciidankeena lama ogolaan karaayo,waana Dhaawac
Ummadeed. Qarameed,
Karaamo iyo Sucada Somaaliyeed, Difaaca,
Jihaada iyo
illaalinta Diinteena Xaniifka waa Waajib, Waajib,
Iyo Masuuliyad Weyn
oo ina Saaran, ha loo guntado gudashadda
Waajibaaka Diineed
iyo Qarameedba(Allah Weyn Ninkii Aaminaa
Awood Leh), Alloow
Nabadgelyo yo Hanaan Dowladeed oo Xaq ah.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi
sh(Xassan Carab)-
-England UK -
17/10/2006.