|
Magaalo Joog
Xumo
Magaalada
laascaanood, ee xarunta gobolka sool waa ay waynaatay,
waxayna iminka ka mid tahay, magaalooyinka ugu baaxada wayn
dalkeena Somalia waxaa ku dhaqan, dad lagu qiyaasay inay kor
u dhaafayaan 100kun oo qof, layaab malaha in hadii goobi
waynaato magaalo joo xumuhuna uu ku badanayo.laakiin waxaa
xun in la isu qario ee balhadda dhegaystayaal aynu daaha ka
qaadno, kadibna isku dayno inaynu waxbadan ka beddelo
waxyaalahan ay sheegi doono
Haddii aad
habeenkii soo marto, waddada dheer ee laamiga ah waxaad ku
siganaysaa inaad ku sinbiriirixato, biyaha wasakhda ah ee ay
soo daadiyeen meheradaha kazoo horjeeda laamiga oo aan u
miidaan dayin, meesha ay wasakhda ku qubayaan.
Taasina waa magaalo jog xumo u
baahan in waxlaga qabto
Haddiiba aad dhegayste ugu tala
gashid inaad xaafad, ka tagtid oo aad aadid xaafad kale,
waxaa dhaba inaaad sii maraysid meelo u dhexeeya labo guri
dhexdood, oo loo yaqaano, suryo, ama luuq, waxaa khasaba
inaad 90% ay indhahaagu qabanayaan, ragg kaadi la taagan oo
qaad kazoo kacay, xishood daa hadalkiise, waxayba isku
haystaan inay wax fal fiican ku kacayaan, marka aad kazoo
laabatid xaafadii eheladaada ahayd ee aad soo booqatay,
hadii uu waqtigu kuu saamaxo inaad wadadii hore soo martid,
waxaad la kulmaysaa ur la karahsado, oo aan qofka
biniaadamka ahi u adkaysan Karin.taasina
waa magaalo jog xumo u baahan in waxlaga qabto.
Beryahan danbe waxaa soo baxay
barbaar, iyagu dhalan rogay dhaqankii umadda soomaaliyeed ee
soo jireenka ahaa, halkan kuma soo koobi karno dhegayste
sida ya barbaartu dhaqanka ugu tumataye aynu bal qaar yarehe
xusno, `
Telefoon lagu hadlayo habeenkoo
badhtegay, shukaansi aad micno ku fadhiyin oo aan ahayn kii
ay soomaalidu dhaqanka u lahaan jirtay, haddalo aan
nuxurkoodu sidaa usii ridnayn oo lagu saamalaylo, iskuulka
oo subaxdii laga daaho, xiisadaha qaarna ku dahaafaan,
taasina waa magaalo joog
xumo dhibkeeda wadata oo in waxlaga qabto ubaahan.
Dhalinyaro ubadan wiilal oo isu
raaca koox koox, oo sidii fayacaligii boosaaso dadka iyo
gaadiidka ugaysta dhibaatooyin, inkastoo uu falakani yahay
mid aan sidaasi u badnayn laakiin waayadan danbe ayay
dhalintaasi kusoo bateen magaalada,
waana magaalo joo xumo u baahan in
laga hortago haddii kalena dhibaatooyin badan la imaanaysa
Dhegayste waxaa jirta in
magaalada laascaanood ay ka jiraan gobo badan oo ciyaaraha
lagu daawado, dhalinyaradana uu mid kastaa taageero u hayo
koox kamida kooxaha waaweyn ee aduunka, sida Liverpool oo
England ah , Acmilan oo Italy ah ,
Real Madrid iyo kuwa kale, layaab
malaha inay dhalintu kala raacaan kooxahaas intii ay wax
kale oo xun ka sheekayn lahaayeen, haseyeeshee waxaad
layaabaysaa markaad ragtid laba dhalin yaro ah oo iskhilaaf
ba”ani ka dhexeeyo, iyagoo ku murmaya koox hebel baa sidana
iyo koox hebel baa sidana, qaarkoodna ay gamcaha isku
saaraan, taasina waa magaalo
joo xumo u baahan in wax laga qabto,.
Beryahan danbe waxaa soo baxay
gabdho, sida wiilashii oo kale suuqa beretamaya, waxayna
inta badan soo xidhaan dhar ku dhejisan oo reer galbeedku
ugu tala galeen inay dawladaha islaamka kula
dagaalaman.wuxuuna dharkani banaanka keenayaa cawradii ay
diintu ina tidhi qariya taasoo kazoo horjeeda sharciga
islaamka iyo dhaqanka qaaliga ah ee umadda soomaaliyeed,
waana magaalo joo xumo u
baahan in wax laga qabto haddii kale alle inagu ciqaabayo.
Sidoo kale waxaad arkaysa dhalin
yaradii oo ku fanaysa wadamada shisheeyaha oo ka faanay
wadamada afrikaanka kuna faanay wadamo aayaan lahayn halka
gabdhihiina ay ka faanayaan diir kii afrikaanka
Dhinackale waxaa soo baxday
baryahan danbe maah maahyo qaldan oo ay samaaysteen dad ka
ganac sada wax yabah ay gabdhu hu diir koodda kula
dagaalmaan TAAS OO
ODHANAYSA DOQON IYO HABEEN
BAA MADOOW ) taas oo aynu
odhan karno waxay kamid tahay magaalo jog xumida waayo
aduunka in taa leeg laguma arag qof amab dal ka faanay
diirkiisa iyo dhaqan kii sa suuban isla markaasna uu illahay
ku manaaysatay
dhagaayste malin laan la kulmay
nin soo maliyee oo aad uyaaban oo magisiisa iigu sheegay c/shakuur
cumar xuseen ayaa waxuu igu idhi waxaan arkay nin haysta
meherad wayn oo lagu iibiyo waxyaalaha gabdhuhu isku
cadeetyaa, ninkaa waxaa boodhada ugu qornaa, ninkii naag
madoow naf moodoow bal maydhax kadiiro maygaag. Bal muudso
inay macaantahay. Malahyga waxa uu ula jeeday inuu dhiiri
gelin siiyo gabdhaha si ay midab kooda ula dagaalamaan, oo
ay midabkooda qaaliga ah ee masciideedka isaga buriyaan,
Qore Jaamac Maxamed Nuur (Jeelle)
E.meil.jeele@04hotmail.com
Rlaascaanood1@yaahoo.com
|