|
Yaa
bedelay xukuumadii gen. maxamed siyaad barre,37 sano kadib
xukuumadii aan xukuumadi ka danbeyn
Dib
unoqodka taxanaha taariikheed ee soomaaliya waxaynu wax
badan ka dheehan karaa,ama aynu ka heli karaa horumar iyo
dib udhacba waxyaabaha iska bedelay soomaliya 46kii sano eek
u sinaa xiligii xorriyadda laga qaatay gumeystayaashii
ingiriiska iyo talyaaniga eek ala haystay qaybaha waqooyiga
iyo koonfurat soomaaliya ,hase yeeshee maqalkeenan waxynu si
kooban ugu daraasadeynaynaa 37 kadib kacaankii mileteriga
ahaa eeafgenbiga aan dhiigu ku daadanay kula wareegay
taladii dalka soomaaliya 21kii oktoobar 1969kii,waa sagaal
sano kadib xukuumadihii rayidka ahaa ee soomaray dalka.
Su,aasha
ay in badan daka taariikhaha lafa guraa isweydiiyaan ayaa
waxay tahay tahay, maxaa keenay in mileterigu maroorsado
xukunka,iyadoo xiligaasi ay jirtay xukuumad si dimoqraadi
ama xor ah looso doortay,mase ku qanacsanaayeen bulsho
weynta soomaaliyeed in mileterigu inqilaab ku ridaan
xukuumad xilka ku qabatay doorasho xor ah,dib udhacse ma
kuahayd soomaaliya in ay kaguurto dimoqraadiyad asxaab badan
ku salaysan iyo doorashooyin xor ah una guurto xukxun ciidan
iyo xisbi keli ah.
Si hadfaba
aynu isugu dayno ineynu jawaabo ugu helo su,aalahan waxa
qasab ah ineynu dib ugu noqono kahor 21kii,ok 1969 siduu
xaalku ahaa,hadeynu si kooban ugu hadalno xorriyadii kadib
xukuumadihii rayidka ahaa ee majaraha u hayay maamulka dalku
waxay ahaayeen raga muuslka ka ahi niman wax kusoobartay
dalka dibadiisa siiba wadamadii reer yurub ee wax gumeysan
jiray wadciga ay wax ku maamulayeen iyo sida sida ay u
shaqayn jireena waxbadan kama duwanayn madarsadihii ay kusoo
aflexeen ee isticmaarka reer galbeed,siyaasadooda ay ku
hawlgeli jireena waxay lamid ahayd amaba ay ku dabakhayeen
duruustii ay ku soo qaateen gumeystayaasha.inkastoo ay
doorashooyin furfuran siyaasadeedba ay iska dooni jireen ,hadana
sagaalkii sano ay xukunka hayeen wadciga muwaadinka
soomaaliyeed waxba kama duwanayn kii ay ku sugnaayeen
xiligii gumeytayaasha hadii aanayba kasii darayn, xooga
dalku iskood uma hungureyn majaraha salaanka siyaasadeed
hase yeeshee waxaa badnaa amaba xad dhaaf ahaa cabashada
shacabka soomaaliyeed ee weli ay ka muuqatay diifta
xanuunkii raagay ee isticmaatka mudada dheer ku amar ku
taagleynayey,ay ka muujinayeen musuqmaasuqa eexda laaluushka
iyo qabyaalada iyo lunsiga hantida qaranka ee astaanta u
ahaa dawladihii rayidka.
Xoriyad
macaankeed la dhadhamiyo iska daaye way ku dhowayd in ay
shacabka soomaaliyeed nolosha qawadaan, quusna ka istaagaan
xitaa iney quutal daruuriga helaan, nin dhergaya iyo nin
dhimanaya waxba uma dhaxayn, hadii aanu dibitaati am masuul
aad isku hayb tihiin ka muuqan muqdisho, taasi macneheedu
waxa uu ahaa ,haku daalin oo yay dani kaa gelin,shaqo iyo
hadaad haweysato xil inaad qabato jeebkaaga hadba sidii ay
wax ugu jiraan ayay ku xidhnayd,naga qabo alhayoow nin agoon
ku xaday qalin qaaxo kama fogaatee, ayuu gaadhay xalka
shacabka soomaaliyeed ee filayay in hadii isticmaar ka
huleelay ay haakah odhan doonaan.
Doorashooyin dhiig badan daadiyey umadii soomaaliyeedna
jilib hoosaad iyo beelo ukla qaybiyey ayaa dalka soo maray
xiligaasi, waxay sidaasi ahaato oo su aasha shacavka
soomaaliyeed ahayd goormaa sedan wax iska bedeli doonaan ,maxayse
isdooriyaan isticmaarkii rinjiga cadaa iyo odayaashan muuqa
soomaaliyeed leh maskaxda saaranise ay tahay mid sii xun tii
gumeystaha.
Waabergii
21kii ok,1969 ayaa libdhadu soo baxday iyadoo goob kasta oo
ka mid ah xafiisyadii xukuumada soomaliya ay ku
gadaamanyihiin ciidamad xoogga dalka ee sitay tuutaha
giirgiirka leh , dabcan saanadoodii mileterina kama
maqnayne gaadiidk dagaalka ayaa goob walba afka kal soo
jeeday.
Idaacada
radio muqdisho ayaa saraakiishii miletergu ka iclaamiyeen
iney la wareegeen xukunkii dalka,waxaa mar keliya hawada
isku shareerey hankii iyo nayaayiradii muwadinka
soomaaliyeed, mashxarad iyo alalaas ayaa lagu qaabilay
xoogga dalka,saraakiishii xooga dalka eetalada la wareegay
waxay ku dhawaaqeen in shacabka soomaaliyeed ka soo saari
doonaan boholihii faqriga ee ay ku horjoogeen xukuumadiihii
rayidku.
Maxamed
siyaad barre ayaa la shaaciyey inuu yahay hogaamiyaha
inqilaabka iyo horjoogaha xukuumadda cusub, wixii gacanta
lala helay hogaamiyayaashii xukuumadihii musuq maasuqa
waxay noqotay in xabsiyada laga buuxiyo, durba wax muuqday
wax qabad , waxa dawladu la wareegtay hay,adihii gaarka loo
lahaa oo ay u muuqatay kuwo laga tabcaday hantida shacabka
xilgii boobka waxana ay saraakiishii miletergu sheegeen inay
hantidaasi tahay mid qaran oo aan cidina gaar u sheegan
Karin..
Rlaascaanood1@yaahoo.com
|