|
Maalinta
TBda aduunka oo laga xusay magaalada laascaanood
Laascaanood 24 Mar
2007 Saaka subaxnimadii waxaa
hoolka shirarka ee Huteel Xamdi ka dhacay xaflad ballaadhan
oo si weyn loo soo qaabeeyey, waxaana ujeedada xafladaasi
ahayd xusitaanka Maalinta Qaaxada adduunka oo dunidoo dhan
laga xusayey.maanta oo ay taariikhdu tahay 24 march oo ah
maalinta caalamka oo dhan looga aqoonsaday inay noqota xuska
TBda
Munaasibadii kulankaasi waxaa lagu furay
aayadaha quraanka kariimka ah ka dibna waxaa si xushmad leh
loogu soo dhaweeyey codbaahiyaha Dr: Cabdi Maxamed Buraale
oo isagu ah madaxa waaxda TB ee cisbitaalka dhexe ee
magaalada Laascaanood, waxaanu goobtaasi ku xusay sida ay
waaxdoodu u shaqayso, tan iyo intii uu mas’uuliyadeeda uu
qaaday.
Waxaa kaloo oo uu si gaar ahaaneed u
xusay shakhsiyaad deegaanka u dhashay oo iyagu dalka
dibadiisa ku nool oo si joogta ah kaalmooyin aan kala go’in
ugu soo dira, sida shakhsiyaad ku nool midowga boqortooyada
ingiriiska.
Ka dibna waxaa loo gudbiyey Mudane Axmed
Cabdi Cali Shire(Axmedkayse), oo isagu ah madaxa hay’adda
SSHDA oo iyadu sanooyinkii la soo dhaafay ka hawl galaysey
deegaanada SSCayn. Waxaanu si xogogaalnimo ah uga waramay
doorka ay hay’adoodu ka qaatay dhinaca caafimaadka, waxaanu
shacabka deegaanka ku booriyey in ay meel uga soo wada
jeestaan la dagaallanka iyo cidhibtirka Qaaxada oo
daawadeedu ay ka fududahay Hargabka amaba durayga.
Waxaa kaloo uu xusay inay cisbitaalka
loogu diyaariyey daawayn joogta ah oo lacag la’aan ah,
halkaasina ay diyaar ugu yihiin dhakhaatiir iyagu aqoon
durugsan u leh daawaynta Qaaxada.
Madashii hoolkaasi waxaa isna lagu marti
qaaday Abwaanka da’da yar ee la yidhaahdo Baashe Axmed Xasan,
oo isna halkaasi ku soo bandhigay suugaan qoto dheer oo uu
kaga hadlayey Qaaxada iyo siday u dhib yar tahay
daawaynteedu.
Docda qurba joogta deegaanka waxaa isna
madashaasi lagu marti qaaday Cali Dhakaawe oo markii hore
deganaan jirey cariga ingiriiska balse haatan u soo guuray
Laascaanood, waxaanu xusay in uu aad ugu qanacsan yahay
nabadgelyada deegaanka ka jirta 



Iimaaciil Ibraahim Ducaale(Aftaag)
Rlaascaanood1@yahoo.com
|