Xaflad loogu dabaal dagayey maalintii dhalashada Puntland ayaa waxay si heer sara ah ooga dhacaday Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn,Waxaa xaflada ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Cayn sida Odoyo dhaqameed, Madaxda Gobolka,Hoyooyinka dhalinyarada Isbortiga wax garad iyo Ciidamada Qalabka sida, waxaana sidoo kale ka amqneyn Damaashadkaas jiilka soo koraya.

Xuskan lagu weyneenayay 1 August ayaa aheyd mid ay ku dhacday jawai aad u wanaagsan, waxaan halkaas qudbado kala duwan ka jeediyaya wax garad kala duwan oo aan lasoo koobi karin oo matalayey ururo kala duwan oo reer puntland, ayadoo ay ugu horeyeen Garaad ibaraahim Baarud iyo Adaan geele nuur sidoo kale waxaa ayana Buraanbur aad u qiimo badan ka jeedisay goobtaasi Hooyo Hinda Jemeli, buraanburkaaso aad ay ugu qiiroodan bulshadii goobtaas joogtay.

xafladaan ayaa waxa hambalyo iyo bogaadin loogu diray dhamaan reer Puntland meelkastoo ay jooganba, waxaan sido okale loogu hnbalyeeyay Maamulka iyo madaxda Puntland.






Codadkii xuska 1da ogoosto ee magaalada buuhoodle ee Gobolka Cayn Dhageyso > Oday Geele. Hinda Jamele. Garaad ibraahin
webmaster
|